Rajada Ethiopia ee badda Somalia !!! (Warbixin xasaasi ah)

Aqoonyahan Itoobiyaan ah oo la yidhaa Minga Negash ayaa qoraal uu kaga taageerayo warbixin muhiim ah oo uu qoray safiir ku xigeenkii u qaabilsanaa Africa arimaha USA oo la yidhaa Ambassador Hank Cohen, taariikhdu markay ahayd December 16, 2013 oo uu ciwaan uga dhigay waxa la gadhay xiligii Eretria dib loo soo noolayn lahaa “time to bring back Eritrea from the cold”.

 

Taariikhdu markii ay ahayd 1989 ilaa 1993 Ambassador Cohen wuxu u qabilsanaa dalka America qorshayaasha la xidhiidha arimaha Africa oo uu qayb ka ahaa isbadalkii Geeska Africa ee ay Ethiopia iyo Eretria ku kala go’een, qoraalkaa oo uu kaga hadlayay dhibaatooyinka saamaynaya xidhiidhka u dhaxayn doona labadaa dal ee kala go’ay.

Waxa qoraal kale oo muhiim ah qoray Ambassador David Shinn taariikhdu markay ahayd January,13,2014 Safiirkii hore ee dalka Marykanka u fadhiyay Ethiopia, qoraalkaas oo uu ku taageerayo qoraalkii uu qoray safiirkii hore mudane Cohen’s. Ambassador Shinn wuxu u qabilsanaa arimaha khuseeya dalka Ethiopia taariikhdu markay ahayd 1996-1999. Wakhtigii uu joogay xafiiska safarada waxay ku beegnayd dagaalkii dhexmaray dalka Ethiopia iyo Eretria oo ay ku dhinteen dad gaadhaya ilaa 80,000. Ambassador Princeton Lyman, oo isna ahaa safiirkii u fadhiyay maraykanka dalalka Nigeria iyo South Africa ayaa taageeray qoraalkii Ambassador Cohen’s ee uu awooda ku saray sidii Eretria dib saxada loogu soo celin lahaa.

Qoraaladaa oo dhami markii danbe waxa ay isku badaleen dood oo ay markii danbe ka jawaabatay wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia iyadoo iska indho tirtay arrimaha ay ka hadlayeen. Wakhtigaa yaraa qoraaladii soo baxay wuxu xasuus ku reebay isbadaladii geeska Africa ka socday ee ay sii sadaliyeen taasina waxa ay keeentay in Washington dib u eegis ku samay qorshayaashii ay ka lahayd Gobolka Geeska Africa iyo sidii loogu dhigi lahaa dariiq cusub “roadmap” sidii loo gaadhi lahaa nabad waarta iyo horumarka Gobolka Geeska Africa.

Qoraalka Ambassador Cohen’s waxa xudun u ahayd laba arimood oo waawayn:

Arinka koobaad waxa u ku tilmamay arinka odhanay in Eretria taageerto argagixisada in aan loo hayn wax cadayn ah oo an lagu sii magacaabi karin dalka tageera argagixiso “a state sponsor of terrorism“.

Arinka labaad ee uu xusay Ambassador Cohen in si xirfadaysan Eretria uga guulaysaty Ethiopia oo u heshiisku horumar balaadhan ka helayso dalka Eretria. Ambassador Cohen’s arinka kale ee uu soo qaday waa Ethiopia in ay go’doon ku sii jirto oo anay waligeed helayn badda ay ku rajo waynayd.

Inta badan aqoonyahanadu waxa ay isku raaceen in xisbigii Ethiopia ka talinaya ee TPLF/EPRDF ay sameeyeen qaladaad wawayn oo dhacay xiliyo kala duwanaa oo ay Eretria ku macaashtay oo kala ahaa:-

  1. dagaalkii ay ku go’day dalka Eritrea,
  2. Wakhtigii 1991-93, iyo
  3. dhamaadkii dagaalkii dhacay 1998-2000

Heshiiskii ay ku galeen Ethiopia iyo Eretria dalka Algeria 2000 ayaa waxa qoraal “petition” ka sameeyay aqoonyahano Ethiopian ahaa oo dhamaa 289 aqoonyahan taariikhdu markay ahayd April 2, 2002 “Ethiopian scholars and professionals” oo ay ku martiqaadeen xoghayihii hore ee qaramada midoobay oo uu ahaa Ambassador Kofi Annan, “the Former Secretary General of the United Nations” oo ay kaga soo horjeedeen heshiiskii ay wada galeen labada dal oo ay kulamo ku qabteen magaalooyin kala duwanaa UN u direen waraaq ay ku sheegayaan in heshiiskaasi ka hor imanayo qaraaradii dunida ka soo baxay oo ay si toosa u soo qadeen qodobo ka mid ahaa oo ay tilmaameen qodobadan hoos ku qoran oo uu dhigayay heshiiskii Algiers 2000 oo u dhignaa sidan:-

Article 4 (1): – Consistent with the provisions of the Framework Agreement and theAgreement on Cessation of Hostilities, the parties reaffirm the principle of respect for the borders existing at independence as stated in resolution AHG/Res. 16(1) adopted by the OAU Summit in Cairo in 1964, and, in this regard, that they shall be determined on the basis of pertinent colonial treaties and applicable international law.

Article 15: – The parties agree that the delimitation and demarcation determinations of the Commission shall be final and binding. Each party shall respect the border so determined, as well as territorial integrity and sovereignty of the other party.

Minga Negash ayaa waxyabaha uu ku soo ururiyay qoraalkiisa ay tilmamayaan in anay marna suurta gal ahayn in 100 million ee Ethiopian ka ah anay ku sii jiri karin xalad go’doon ah, heshiiska ay Ethiopia la gashay Eretria aanu waxba kaga duwanayn heshiisyadii Ethiopia kula jirtay Djibouti, Somaliland, Kenya taasina anay ahayn wax itoobiya sii anfici kara Ethiopian u bahantahay badd.

Sidaa darteed waxa ay taasi keentay in dib loo eego sidii an hore u soo sheegnay qorshayaashii geeska Africa dib loogu qabaynayay. Qorshayaa oo dhami waxa ay salka ku hayeen sidii Somalia baddeedaa dheer Ethiopia qayb uga heli lahayd iyada oo aduunyada ku taagerayso.

Dalka USA xoghayihiisii arimaha dibada ee u qabilsanaa Africa Jendayi mar ay socdaal ka hadashay dalka Kenya waxa ay si cadaana u shegtay in anay marna suurta gal noqon doonin in 100million oo Ethiopian ah go’doon sii ahaadaan iyada oo ay jaar la yihiin dad 9milion ah oo haysta xeebta ugu dheer Geeska Africa.

Washington iyo UN marwalba waxa ay isku dayayaan in ay dalka Ethiopia u helaan badd si walba oo ay ku heli karaan taas oo ayna Somalida geeska Africa degeni ka lahayn wax qorshe ah oo ay isku mashquulsantahay.

W/Q: Yuusuf Habiib Hussein
Xarunta Isbadalka Democradiyada Geeska Africa
(The Center of Democratic Change in Horn of Africa)
Yusuf.habiib@hotmail.com

Facebook Comments