Kooxda Jaish al Adl oo weerar xoogan ku qaaday ilaalada kacaanka Iran

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Jaish al Adl ee ka dagaalanta xuduudka Iraan iyo Pakistan ayaa weerar xoogan oo ismiidaamin ah waxay ku qaadeen gaadiid ay la socdeen ciidamo badan oo ka tirsanan Ilaalada Kacaanka Iran, waxana weerarkaasi ka dhashay khasaaro dhimasho.

Weerarkan Ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay ciidamada Ilaalada Kacaanka wadankaasi ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 27-askari oo ka mid ahaa ilaalada Kacaanka, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray qaar kale.

Ciidanka la weeraray ayaa xilliga la weerayay waxay ka yimaadeen deegaan ku yaalla xadka Iran iyo Pakistan, iyagoo marayay gobalka Sistan-Baluchestan oo isgana ka mid ah gobalada Iran ee ku yaalla aagaga xadka labada wadan.

War ka soo baxay taliska kooxda weerarka geysatay oo lagu magacaabo Jaish al Adl ayaa lagu sheegay in ay dagaalyanadeedu weerarkaasi ku dileen ku dhawaad sodon askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka Iran, ka dib ismiidaaminta lala eegtay baabuur ay wateen ciidankaasi.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments