Ilhan Omar oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii Trump ee ‘Is-casilaada’

Congress-Woman Ilhaan Cumar ayuu madaxweynaha dalka Mareykanka Donald J. Trump wuxuu ugu baaqay in ay iska casisho xilka Congress-nimo, Hadalkaasi ayaa noqday mid aad looga hadal haayay baraha Bulshada iyo wargeysyada caalamka.

Ilhaan Cumar oo ku guuleystay in ay noqoto gabadhii ugu horeysay oo muslin ah weliba (Somali) ah oo gasha Aqalka sare ee Congrees-ka dalkaasi Mareykanka waxaana iscasilaad ugu baaqaya madaxweynaha wadankaasi, ka dib markii ay soo shaac baxeen hadallo ‘Yuhuud Naceyb’ lagu tilmaamay oo la sheegay in ay Ilhan Omar ku qortay barteeda Twetter-ka.

Ilhan Cumar ayaa dhankeeda si adag uga jawaabtay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, waxa ayna sheegtay Ilhan hadiiba qof isku casilayo naceyb in uu yahay qofkaasi Madaxweyne Trump.

Waxa ay sheegtay Ilhan Cumar in Madaxweynaha Mareykanka noloshiisa ay ka sameesan tahay naceyb, waxa ayna meesha ka saartay codsiga Trump ee ah in ay iska casisho xubinada Congress-ka.

Ilhan Omar ayaa waxaa soo wajahaya codsiga Trump iyo xulafadiisa oo ugu baaqaya ‘Is-csilaad’ waxaana hadaladaan dhamaantood ay ka dhasheen ka dib markii ilhaan Omar lagu eedeeyay in ay Necebtahay Yuhuuda oo awood baahsan ku leh wadankaasi.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments