Yaa lahaa qaarigii goordhow ku qarxay Muqdisho ??? (XOG)

Sidii aad ka daalacateenba wararkeyagii hore waxa uu daqiiqado ka hor qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo uu qaraxaasi ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, iyadoo oo uu ku geeriyooday ninkii waday.

Gaariga uu hal ruux ku geeriyooday oo ku qarxay Laamiyaraha Zoope ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in uu lahaa xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Somaliya.

Xildhibaanka lahaa gaarigaan ayaa magciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar, oo haatan ka miid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed, isagoona wasiir ka soo noqday maamulkaasi.

Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya xilli uu afar iyo labaatan saac gudohood  qarax ka dhacay isla degmada Hodan, kaa oo ahaa mid lagu xiray gaari ay lahaayeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaan ahalkaasi ku geeriyooday wadihii gaarigaasi.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments