Daawo:- Ciidamo cusub oo loo diyaariyay amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, oo uu wehliyay wasiirka amniga DFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta xerada ciidamada ee Jeneraal Kaahiye tababar ugu soo xiray ku ciidan gaaraya 1,400 oo askari.

Ciidamadan oo uu 4-bilood tabarkaani u soo socday ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana laga soo xulay degmooyinka kala duwan ee gobalka Banaadir.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashir Abdi Maxamed “Ameeriko” ayaa ka hadlay munaasabadda wuxuuna sheegay in ay ciidankaani yihiin ciidan gaar ah oo loogu talagalay amniga caasimadda.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ay ciidankaani soo mareen baaritaano xoogan ayne ka madaxbanaan yihiin isticmaalidda waxyaabaha maanka dooriya, isagoona sheegay in ciidamadani loo qeybin doono 10-degmo ee gobalka Banaadir.

“Ciidankaan waa ciidan loo tababaray in ay la wareegaan amniga magaalada Muqdisho, La baray shuruucda, mudo afar bilod ahne tabar la siinayay, waxana rajeyneynaa in ay waxweyn ka bedeli doonaan amniga magaalada, waxana loo kala qeybnin doona 17-degmo, waana xiidan soo maray baritan weyn, islamarkaane aanan isticmaalin balwadda”. Ayuu yiri S/gaas Ameeriko.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments