Wasiiro Somaliland ah oo soo gaaray Muqdisho & xog ku aadan safarkooda

Magaalada Muqdisho ee caaimadda Soomaaliya waxaa soo gaaray afar xubnood oo ka tisan maamulka ictiraafdoonka ah ee Somaliland, kuwaa oo xilal kala duwan u hayay xukuumadii ee Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ay shalay Muqdisho soo gaareen Wasiiro hore oo ka tirsanaan jiray maamulkii hore ee Somaliland, Balse labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland kameysan waramin ujeedka rasmiga ah ee wasiiradan hore.

Magacyada xubnaha ka socda Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah; Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda ee maamulkii Siilaanyo.

Waxaa kale oo dadkan ka mid ah Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday, iyo ruux kale oo aan magaciisa la xaqiijin balse la rumeysan yahay in uu ahaa wasiiradii xukuumadii hore ee Somaliland.

Xoggo aan heleyno ayaa sheegayo in laga yaabo in ay xubnahan beesha Isaaq u matalaan xukkumada Soomaaliya, xilli todobaadyadii lasoo dhaafay ay isku shaandheyn ka dhexsoctay socotay Golaha Wasiirada Xukuumadda Kheyre, ayne macquulgal tahay in ay xubnahaan muqdisho yimid ay ka qeyb noqdaan xkuumadda Nabad iyo Nolol ee ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments