Wasiirada cusub ee Puntland oo maanta kitaabka la mariyay (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa labadan todobaad ku howlanaa magacaabista golahiisa wasiirada, isago oo goordhow magacaabay wasiirada maamulkaasi waxaana ugu dambeyn maanta la dhaariyay xubnaha lasoo magacaabay.

Dhaarinta wasiirada cusub ee uu yeelanayo maamulka Puntland oo ka dhacday magaalada Garowe waxaa goobjoog ka ahaa Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha cusub ee Puntaland, iyo Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Sidoo kale waxaa goobta joogay, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr. Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Waxaa goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir, 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jiraan iyo qaar sheegtay cudurdaaro aysan kaga soo qeyb gali karin dhaarta.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Saciid Deni ayaa dhaarta ka dib kulan la yeeshay wasiirada cusub ee maamulkiisa isagoona kula dardaarmay in ay si cadaalad, howlkarnimo, sharciga waafaqsan ugu adeegaan Diinta iyo Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Deni ayaa sheegay in uu golahan cusub ka sugayo howl balaaran oo dastuuri ah taasi oo ay ugu adeegayaan shacabka reer Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeedba, iyasoona u sheegay in ay ka feejignaadaan wax walba oo ka horimaankara shaqadooda, isagoona alle uga baryay in uu u saqiro howsha loo idmaday kana dhigo kuwii si hufan uga soo baxa mas’uuliyadda la saaray.

Halkaan ka arag Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments