Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle oo la kulmay Bella Bird

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta magaalada Muqdisho wuxuu kula kulmay haweeneyda Bariga Aduunka madaxa uga ah qaar ka mid ah wadamada Qaarada Afrika.

Hawweyneydaan oo lagu magacaabo Bella Bird, waa Madaxa Bangiga Aduunka kaga wakiilka ah wadamada Tanzania, Burundi, Malawi iyo Somalia, waxayne Muqdisho u imatay sidii ay waxbadan uga ogaan laheyd xaalada uu marayo hormarka dalka gaar ahaan dhaqaalaha oo guullo badan laga warinayo.

Wasiir Beyle ayaa kala hadlay Bella Bird arimo kala duwan ay kamid tahay horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka ka jira, waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen xoojinta wada shaqeynta.

“Waxaa sharaf ii aheyd inaan maanta xafiiskeyga ku qaabilo Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee Wadamada bariga Afrika qaar sida, Somaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi, Waxaan ka wada hadalnay horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka iyo sidii aan u xoojin laheyn wada shaqeynta aan la leenahay World Bank.”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa sidaan oo kale marar badan booqosho ugu yimid mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Bariga Aduunka, iyagoona qiimeyn ku sameeyay hanaanka kobaca ee dhaqaalaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments