Sacuudiga oo fadeexad cusub kala kulmay laaluush uu bixiyay

Boqortooyada Sacuudiga ayaa fadeexad hor leh la kulmeyso taasi oo caqabd hor leh ku noqoneyso qoyska Aala Sacuud, xilli ay goor sii horeysay fadeexad kala kulmeen dil loo geystay Wariye.

Warbixin uu daabacay wargeyska Daily Telegraph ee kasoo baxa magaalada London ayaa xaqiijinaysa in dowladda sacuudiga ay lacago malaayiin dollar ah siisay mas’uul sare oo katirsanaa dowladda Ingiriiska.

Warbixinta ayaa xaqiijisay in ay Boqortooyada lacag dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah siisay Tooni Baleyr R/wasaarihii hore ee dowladda Ingiriiska, lacagtan oo qaab laaluush ah loo bixiyay ayay sacuudigu ku bedelanayeen in taageero siyaasadeed ay ka helaan Ballayr uuna bogaadiyo qorshaha Max’med Bin salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyada aala sacuud.

Wargeyska ayaa sheegay in shirkadda baaritaannada iyo suuq geynta sacuudiga ay toban milyan oo doollar udirtay machadka tooni ballayr uu madaxda ka yahay oo lagu magacaabo “isbedelka caalamiga ah”.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Xafiiska Tooni Ballayr ayaa xaqiijiyay in lacagtaas ay ka heleen dowladda sacuudiga balse wuxuu diiday in ay aheyd mid laaluush ah wuxuuna ku tilmaamay qarash uu sacuudigu ku taageerayay mashruuca machadkiisu ka wado mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments