Farmaajo oo la kulmay madaxweyne aflagaadeeyay Soomaaliya !!

Madaxweynaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la kulmay madaxaweynaha Uganda Yuweri Museveni, Iyagoo ka qeyb galayay shir madaxeedka Afrika.

Madaxweyne Museveni ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twetter ka wuxuu ku sheegay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay kulmeen, kana wada hadleen xiriirka labada dal, sidii loo adkeyn lahaa iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen amniga, xiriirka iyo waxbarashada.

Wuxuuna kulanka labada madaxweyne ku soo aadayaa xilli uu Museveni todobaad ka hor uu aflagaado aan geed loogu gaban u u soo jeediyay Xukuumadda Soomaaliya uuna sheegay in ay laheyd nidaam Dawladeed.

Aflagaadadaasi waxaa si deg deg ah uga jawaabay wasiirka arimha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo sheegay in uu madaxweynaha Uganda iska waramay, ialamarkaane aanu arinkaa si gaar ah uga wada hadli doono.

Ma jiro wax war ah oo cadeynayo in kulanka Farmaajo Museveni lagu soo hadal qaaday hadalkii todobaad ka hor ka soo yeeray hogaamiyaha Uganda.

Uganda waa mid ka mid ah waddamada ay Ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya, waxaana socda qorshe Ciidanka AMISOM looga saarayo dalka.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments