Cidamada Puntland oo qabatay xubno ku biiri rebay Daacish (sawirro)

Wararka ka immanaya maamulka Puntald ayaa sheegaya in ay ciidamada amaanka maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen xubno u socday ku biiritaanka kooxda Daacish ee fariisinada ku leh deegaanno ka tirsan maamulkaasi.

Ciidamada amaanka Puntlnad ayaa la sheegeen in ay qabteen xubno ku wajahnaa buuraha Cali Miskaad ee Maamulka Puntland oo ka mid ah goobaha ay saldhigyada ku leedahay kooxda Daacish.

War qoraal ah oo lagu baahiyay barta Internet ka ee ciidamada gaarka ah ee maamulkaasi ayaa lagu sheegay in ay ciidamada amaanka qabteen xubnahaan sida dhuumaaleysiga ah u tabaranayay hadafkoodu ahaa ku biiritaanka Daacishta ku sugan Buuraha Cali Miskaad.

Waxaa sidoo kale qoraalkaasi lagu sheegay in la qabtay saad loo siday dagaalyahanada kooxda Daacish ee ku sugan deeganada ay ragaani ku wajahnaayeen, iyadoona haatan ay ragaan gacanta ugu jiraan Puntland.

“Intii Hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay barta taliska PSF.

Kooxda daacish ayaa ku sii bananeyso gudaha Soomaaliya waxayne haatan inteeda ugu badan ku sugantahay deegaano iyo tuulooyin ka tirsan maamulka Jubbaland iyadoo ay xusud mudantahay in uu kooxdan iyo Al-Shabaab ka dhexeeyo dagaal is aragti ah oo ay labada dhinac ku dhawaaqeen.

Hoos ka arag sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments