Halkee ayuu ku dambeeyay abaabulkii ciidan ee Axmed Madoobe ???

Madaxweynah mamaamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa bishii lasoo dhaafay intii ugu badneyd wuxuu shadiisa ka dhigay sameynta Abaabul Ciidan oo ka waday deegaano badan oo ka tirsan maamulkaasi, Wuxuuna ciidamaasi u abaabulay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Tan iyo markii uu sameeyay abaabulkii ugu badnaa iyo diyaar gareynta ciidamada Jubbaland ma jirto wax weerar ah oo ciidamada amaanka ay u geysteen xarumaha Al Shabaab kaga sugan yihiin deegaanada Jubbooyinka.

Waxaa taasi badelkeed ay Al-Shabaab labo jeer weerareen deegaanka Baar Sanguuni, halkaasi oo fariisin u ah ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland, waxaana la isweydiinayaa halkuu ku dambeeyay abaabulkii Axmed Madoobe.

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegaya in wali aysan helin amarka ay ku qaadayaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, islamarkaana la sugayo amarka madaxweynaha.

Sidoo kale dhanka ciidamada AMISOM oo uu madaxweynaha Jubbaland ku tashanaayay ayaa waxaa ka jira hakad kadib markii ay ciidamadii ASIMOM yiraahdeen anaga waxaana amar dagaal ka sugeynaa Taliskeeda, Taasine waxay caqabad ku noqotay qorshihii Axmed Madoobe.

Dhanka kale Axmed madoobe wuxuu sidoo kale sheegay in aysan Dawlada Federaalka Soomaaliya ka qeyb qaadan heynin doorkeedii kaga aadanaa howlgalkaasi, isanoona sheegay in ay dhamaan caqabadahaasi uu u dhaqaaqi la’yahay howlgalka.

Waxaa hadda yaraaday heegankii ay ku jireen ciidamada amaanka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamadii la geeyay Afmadow iyo goobo kale ay dib ugu laabteen magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments