Ciidamo Mareykan iyo Somali ah & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Janaale

Xarakada Al-Shabaab war ka soo saartay weerar culus oo xalay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah oo garab siinayay ku qaadeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose .

War kasoo baxay Ururka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay fashiliyeen kana hortageen weerar ciidamo Mareykan ah xalay kusoo qaadeen Janaale, waxa ayna Shabaab sheegeen in dagaalyahano aad u hubeesan ciidankaasi ka hortageen.

Waxayne Al-Shabaab sheegeen in duleedka degaanka Janaale ay dagaalyahano taabacsan Al Shabaab uga hortageen ciidamo Mareykan iyo kuwa Soomaali ah oo kasoo degay Helicopero kuwaa oo doonayay in howlgalo ka fuliyaan gudaha deegaankaasi.

Iska hor imaad xoogan ayaa lagu soo waramayaa in ay dhax mareen Ciidamada Huwanta ah iyo kuwa Al-Shabaab, lamana oga wali khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka labada dhinac dhax maray.

Sidoo kale duyaarado dagaal ayaa duqeeyay goobo katirsan deegaanka Janaale, waxa ayna Al-Shabaab sheegeen goobaha la duqeeyay in ay dad shacab ah degnaayeen, lamana oga khasaaraha wali duqeynta ka dhalatay.

Dowlada Soomaaliya iyo Taliska ciidamada Mareykanka ayaan wali ka hadlin howlgalkan xalay ka dhacay Deegaanka Janaale, mana jiro ilaa hada war ka madax banaan warka Al-Shabaab oo laga helay howlgalkaasi.

Ciidamada Kumaandooska Soomaalia iyo kuwa Mareykan ah ayaa howlgalo joogto ah xiliyada habeenkii ah waxa a ka fuliyaan deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaa ay maamulaan xoogaga Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments