Xiriirka kubada cagta Somalia oo amar adag dul dhigay xarumaha Cable-da !

Taliska Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa soo rogay amar ay madaxa ka wada qabsadeen dhamaan xarumaha Tebiyaha ciyaaraha tooska ah, ka dib markii Talisku uu dhamaan xarumaha Keebalada duldhigay lacag badan oo laga yaabo ay qaarkood ka talaabi wayaan.

Qaar kamid ah xarumaha looga bartay tabinta ciyaaraha dalka ayaa sheegay in xiriirka uu kusoo rogay amar ah inay bixiyaan lacag gaareysa 30,000 (Soddon kun) oo doolar haddii ay doonayaan inay tabiyaan ciyaarta dhexmari doonta xulalka Eritrea iyo Soomaaliya.

Xarumaha Muqdisho Cable, Astaan Sports iyo Rajo Cable oo ahaa kuwo si toos ah u tabiya ciyaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in amarkaasi lagu soo rogay xarumahooda, waxaana dhankooda ay sheegeen inaysan lacagtaasi bixin karin.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xarumahan horey loogu soo rogay inay bixiyaan sanadkii 20,000 (Labaatan kun) oo doolar si ay u tabiyaan ciyaaraha horyaalka Soomaaliya balse wey iska diideen.

Xogo aan helanaya yaa sheegaya in uu hadalka ka soo yeeray Xiriirka Kubadda Cagta uu sababay in ay Keebalada qaarkood iska joojiyaan tebintii tooska aheyd ee ciyaaraha, waxaana laga yabaa inay sidoo kale ay guud ahaan joojiyaan ciyaaraha kale ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

“Waa run lacagtaasi waa nalagu amray inaan bixino, mana ahan wax suura gal ah amarkaasina xafiiska xiriirka kubbadda Cagta ayuu naga soo gaaray, ciyaarta Eritrea iyo Somalia inaan tabino darteed ayaana sidaa nalugu amray” ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeenada xarumaha tebiya ciyaaraha.

Balse xiriirka kumadda cagta Soomaaliya kameysan hadlin sababta keentay in lacagtaas lagu soo rogo xarumaha tebiya ciyaaraha tooska ah, Taasi oo qal qal kiu keentay xarumahaasi qaarkood.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments