Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliyeed oo lagu dilay Muqdisho

Warar goordhow ina soo gaaray ayaa sheegaya in ay koox hubeysan ay Xaafadda Barmuudo ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir ku dileen sargaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dilka aya dhacay xilli uu sarkaalku ka soo baxayay xero ay ciidamada Booliska ku leeyihiin xaafadaasi, Waxaana la sheegay in sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Cali Canshuur.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in ay Kooxda dilka geystay ay wateen gaari yar oo nuuca raaxada ah kaasi oo u fududeeyay in ay meesha uga baxsadaan si dhaqso ah ka dib markii ay dileen sarkaalka.

Dialalka qorsheysan ee nuucaan oo kale ah ee lala eeganaya saraakiisha Booliska iyo askarta ayaa waxay mudooyinkii dambe ku soo badanayeen magaalada Muqdisho, waxaana dilalkaan intooda badan mas’uuliyadooda la wareega Xarakadda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments