Mareykanka oo sheegay in uu ka hortagay weerar ay Al-Shabab qaadi rabeen

Marekanka ayaa ka hadlay weerar hal cisho ka hor ka dhacay deegaanka Koban ee gobalka Shabeellaha Hoose, isagoona sheegay in uu ka hortagay weerar ay Al-Shabaab dmacsanayeen in qadaan.

Wargeyska Press Release oo ah shabakadda wararka u baahisa ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa baahisay in weerarkaasi loo geystay Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab lagana hortagay qorshe weerar ah oo ay damacsanaayeen Al-Shabaab.

War ka soo baxay taliska ciidamada mareykanka ee Afrika laguma sheegin inta ku waxyeelowday weerarkaasi, Blase waxay sheegeen in aysan jirin wax dad rayid ah oo ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Qaraalka Mareykanka waxaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan waddo kasta oo habboon oo lagu dhimi karo qatarta Al-Shabaab.

Saraakiisha Jubbaland oo ka hadlay duqeyntaasi Shabaab loo gaystay ayaa waxa ay sheegeen in lagu dilay sagaal xubnood oo Shabaab ka tirsanaa.

Dowladda Mareykanka ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay kordhisay duqeymaha ay la beegsanayso dagaalahanada kooxda Al-Shabaab, iyadoona mudooyinkii ugu dambeeyay beegsatay dagaalyahano taabacsan kooxdaasi.

Xigasho

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments