Dawlada Somalia oo sabab layaab leh u sameysay gawaaridii ay gubeen Al-Shabaab

Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay arin maalmahaan aad looga hadal haayay deegaanada maamulkaasi oo ahaa gubitaanka Al-Shabaab ee gaadidka dhuxusha u soo sida caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoona maamulka gobalka sabab cajiib ah u sameeyay falalkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ujeedada Al Shabaab ay u gubayaan gaadiidka dhuxusha keena magaalada Muqdisho ay tahay inay ka horjeedaan jarista dhirta.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in sababta Al Shabaab u gubayaan dhuxusha iyo gaadiidka wada ay tahay inay doonayaan in dhirta ay kaga gambadaan duqeymaha diyaaradaha Drone-ka ka geystaan Shabeelaha Hose sida uu hadalka u dhigay.

C/fataax Xaaji, ayaa sheegay in shalay gelinkii hore ku dhawaad 11 gaari oo dhuxul wada ay kasoo gudbiyeen deegaanka Doonka ee duleedka degmada Afgooye, balse markii ay kusoo dhawaayeen Muqdisho ay Al Shabaab wadada u galeen islamarkaana ay gubeen.

Guddoomiyaha kama uusan fakarin in jarista Dhuxusha ay qeyb ka tahay nabaad guurka deegaanka, balse wuxuu ka eegay oo kaliya in Al Shabaab ku dhuumaaleysan karaan haddii aan la jarin.

Todobaad ka hor AL-shabaab ayaa degaanka Doonka ee Duleedka Afgooye ku gubtay 7 Gaari oo dhuxul u waday Muqdisho,waxaana shalay ku xigtay labo kale oo iyana ay ku gubtay duleedka Muqdisho.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments