Barlamanka Puntland oo ka arinsaday qaabka loo ansixinayo wasiirada cusub

Xildhibaanada maamulka Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe waxayne ka wada doodeen sidii loo ansixin lahaa wasiiradda cusub ee uu madaxweynaha doonayo in uu soo magacaabo.

Waxaana kulankaasi ka soo qeyb galay 53-ka mid ah Xildhibaanada maamulkaasi, waxaana kulankaasi diiradda lagu saaray ansixinta wasiiradda cusub iyo qaabkii loo mari lahaa.

Xildhibaanada ayaa dooda kadib cod u qaaday wax ka badalka xeerkan waxaana 26-Xildhibaan u codeeyeen in golaha Wasiirada loo ansixiyo si guud halka 23-Xildhibaan kale diideen waxaana ka aamusay 3-Xildhibaan oo kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa ugu dambeyn shaaciyay in Xildhibaanada u codeeyeen in golaha Wasiirada marka lasoo dhiso lana horkeeno hal mar codka kalsoonida u qaadaan.

Qaabka la doonayo in lagu ansixiyo wasiiradda cusub ayaa ka duwan qaabkii hore oo ahaa in hal hal loo codeeyo, balse maanta arinku saas maahan ee waxaa hal mar la ansixinaa ama la diidaa wasiiradda uu soo magacaabo madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments