Sonkor loo diiday in laga dejiyo Kenya oo laga dejinayo Somalia

Markab siday sokor dhan 40,000 oo Tan oo loo diiday in uu kudejiyo Sokortaas dekedda Mombasa ee dalka Kenya dabayaaqadii sanadkii 2018, ayaa todobaadkan kusoo xirtay dekedda Muqdisho isaga oo dejinaya Sokortii ay Kenya amartay in lagu celiyo waddanka Brazil oo ay Sokortu asal ahaan katimid.

Go’aanka dib u celinta Markabka siday Sokorta ayaa soo baxay kaddib markii  xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya (Kenya Bureau of Standards (Kebs) uu diiday  in Sokortaasi gasho Kenya sabab la xiriirta dhinaca tayada iyo Bedqabka tayada oo liitay. Xafiiska ayaa kuwargeliyey shirkadda Darasa Investment Limited in ay dib u celiso Markabka sida Sokorta islamarkaana ay aan lagu dejin Karin Dekedda Mombasa.

Waxaana tayo xumadda sonkortaan isku raacay Hey’addo kala duwan ay kamid yihiin maamulka canshuuraha Kenya, Maamulka dekedaha Kenya, ciidanka Badda ee Kenya iyo adeegga sirdoonka Qaranka Kenya.

Markabka MV Iron Lady ayaa ka soo deeyay dekedda Mombasa ee Kenya kaddib markii xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya uu qaatay go’aanka Sokorta dib loogu celinaya Brazil, balse xiriir dhexmaray ganacsatada iska leh sokortan iyo siyaasiyiin kusugan Muqdisho ayaa fududeeyey in Sokorta laga dejiyo Muqdisho.

Iyadoo illo wareedyo ku dhow Dekadda Muqdisho ayaa sheegayaan in markabku kusoo xirtay dekedda Muqdisho kaddib markii loo diiday in uu Sokorta ku dejiyo dekadda Momobasa, waxa ay ilahan xaqiijiyeen in dejinta Sokorta uu sido Markabkaasi ay ka billaabay dekedda Muqdisho, waxaana suuragal ah in Sokortani ay gasho Suuqyada haddii ay ganacsatada wadataa ay u suurta gasho in uu sonkortaan aqbalo Xafiiska Hubinta Tayadda Badeecadda ee Dekadda Muqdisho.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments