Madaxweyne Farmaajo oo saxiixi la’ qorshe ay saxiixeen labada aqal

Ra’iisul Wasare ku xigeenka Dawlada Soomaaliya mudane Mahdi Maxmed Guuleed oo labadan maalin safar shaqo u aaday magaalada London ee caasimadda Britian ayaa la hadlay boqolaal shacab ah oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadankaasi, isagoona kala hadlay hanaanka waxqabadka ee Dawlada Federaalka.

Mahdi Guuleed ayaa ka sheekeeyay waxyaabo badan oo dowladda Soomaaliya u qabsoomay, waxaana uu soo hadal qaaday hindise sharciyeedyadii dowladda xukuumadda ay meel marisay.

Guuleed ayaa sheegay in 27 hindise Sharciyeed ay meel mariyeen golaha wasiirada labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana uu xusay in madaxweynaha uu saxiixay labo hindise Sharciyeed oo kaliya.

Labada Hindise Sharciyadeed ee madaxweynaha uu ansixiyay ayaa waxay kala yihiin midka Isgaarsiinta dalka iyo midka Naafadda, waxaana kadib su’aalo laga keenay halka ay  mareen Hindise shaciyeedyada kale.

Waxaa sidoo kale su’aalo laga keenay sababta ilaa iyo hadda madaxweynaha Soomaaliya u saxiixi la’yahay Sharcigii dalka ka mamnuucayay Shirkadda DP World oo baarlamaanka labada aqal ay ansixiyeen.

Mahdi Maxmaed ayaa sheegay in labada sano ee dowladda Soomaaliya u dhiman ay rajo weyn ka qabaan inay wax ka qabtaan shaqooyin ay ugu horeeyaan Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka sanadka 2020.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments