Axmed Madoobe oo ku guuleystay qorshe uu odayaasha Gaarisa ka dalbaday

Odayaasha magaalada Gaarisa ee dalkaasi Kenya ayaa shaaciyay mowqifkooda ku aadan doorashada maamulka Jubbaland, iyagoona ku qaabay in markale la soo doorto madaxweynaha haatan kursiga fadhiya Axmed Madoobe.

Kulan ay shalay yeesheen Odayaasha ku heybta ah Amxmed Madoobe Hotel ku yaala magaalad Gaarisa ayay ku sheegeen in uu mamulka Jubbaland iyo Axmed Madoobe uu ilaalinayo amaanka xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa bil ka hor tegay magaalada Gaarisa ee dalkaasi Kenya isagoona Waxgaradka ku heybta ah ka codsaday in ay ka shaqeeyaan sidii markale lagu soo dooran lahaa, waxaana muuqata in uu hirgalay qorshahaasi ka dib kulankii ay shalay yesheen Odayaasha Gaarisa.

Doorashada Jubaland waxaa ay lagu wadaa in la qabto Bisha August ee sanadkan 2019,waxaana uu Axmed Madoobe sheegayaa culeys dhinaca siyaasadda ah  oo ka heysta dhinaca dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in uu isla magaaladaasi Gaarisa uu ku sugan yahay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/llahi Oomaar, iyadoona la sheegay in safarka oomaar uu yahay mid uu booqasho ugu tagayo qoyskiisa oo halkaasi ku sugan.

Balse uu arinka saas ka weyn yahay, oo uu qorshaha Oomaar ee Gaarisa uu qeyb ka yahay qorshaha ay dawlada Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in uusan markale soo laaban madaxweyne Axmed Madoobe, sida ay shegayaan dadka qaar.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments