Askar dilal kala duwan ka geystay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Taliska Booliska Soomaaliyaeed ayaa sheeciyay in la qabtay askar baxsad aheyd kuwaa oo dilal kala duwan magaaada Muqdisho ugu geystay dad shacab ah oo aan waxba ka galabsan.

Askarta la soo qabtaya ayaa la sheegay in ay degmootinka kala duwan ee gobalka Banaadir ay si bareer ugu toogteen dhalinyaro ku shaqeysan jiray Mooto Bajaajta ama Tug-tudleyda.

Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen askar siyaabo kala duwan dilal ugu geystay dad shacab ah, sida la sheegayne ay u badnaayeen rag Mooto Bajaaj ku shaqeysan jiray.

Wuxuuna Sheegay in ay askartii ay qabteen ay ku wereejinyaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya si loo horgeeyo cadaalada, lana marsiiyo xaqooda.

“Aniga oo ku hadlaya Magaca Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo kan Booliska waxaan idiin sheegayaa in aan gacanta kusoo dhignay askar dilal kala duwan geystay, waxaana u gudbinay maxkamada si cadaaladda loo marsiiyo” ayuu yiri Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn la hadlay askarta Booliska Soomaaliyeed wuxuuna u sheegay askarixii dil geystaa sidaan oo kale la marsiinayo ciqaabtiisa loona axsaan fali doonin, isagoona askarta kale ugu digay in ay ka digtoonaadaan in ay dil u geystaan shacabka balse ay u adeegaan.
Hadalka ka soo yeeray Taliska Booslika Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli aad loo hadal heeyo dilalka dhawaanahan soo badanaya ee ay ciidamada Dawlada u geysanayaan dadka shacabka ah haba u badnaadaane dhalinyarada Bajaajleyda ah.

 

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments