Wadan xuduudaha ka xirtay macaawino uu Mareykanku soo gelin lahaa

Madaxweynaha dalkaasi Venezuela Nicolas Maduro ayaa militeriga dalkaasi amar ku siiyay in ay irdaha ka xiraan “mucaawino” Mareykanku soo gelin lahaa dalkiisa taas oo ay dalbadeen mucaaradka si loogu gar-gaaro shacab ay sheegeen in macluul ay u dhimanayaan.

Mucaawinadan ayuu madaxweyne Maduro ku sheegay mid uu Mareykanku ku furanayo qabsashada dalkiisa, sidaas daraadeedna eysan u baahneyn wax mucaawino ah oo dalkiisa la gaarsiiyo.

Militeriga dalkaasi ayaa tareelayaan iyo baayado ku xiray wadooyinka xuduudaha dalkaasi la wadaago dalka Colombia.

“Mucaawinadan” ayaa waxaa wada Mareykanka iyo Canada, waxaana qorshuhu ahaa in la geeyo goobaha ay ka taliyaan mucaaradka dalkaasi oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi Juan Guaidó oo xilli sii horreeyay isku magacaabay madaxweynaha kmg dalkaasi.

Juan Guaidó ayaa ku andocoonaya in inkabadan 300.000 oo dad ah ay macluul qarka u saaran yihiin islamarkaana loo baahan yahay in gar-gaar raashiin la gaarsiiyo.

Dawlada Mareykanka ayaa cadaadish dhan walba ah ku haya madaxweynaha sharciga ah ee dalkaasi Nicolas Maduro, waxaana uu dhowr jeer isku dayay in uu xukunka ka tuuro.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments