Suxufi weeraray DF ka dib hadalkii shalay ee Farmaajo ee warbaahinta

Madaxweynaha Soomaaliya Mxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shalay Shirka Shidaalka Soomaaliya ee shalay ay magaalada London ku yeesheen wafdi ka socday Dawladda Federaalka iyo shirkadaha (Soma oil and Gas & Spectrum Geo) Isagoona difaacaya shirkaasi ayuu sheegay in uu shikaasi ahay mid lagu soo bandhigayay Kheyraadka Shidaalka ee Soomaaliya balse uusan aheyn mid lagu xaraashayay shidaalka wadanka.

Wuxuuna madaxweyne Farmaajo sheegay in warbaahinta iyo saxaafadda looga baahanyahay in ay ka qeybqaataan qancinta iyo dhiiri gelinta shacabka iyo hormarinta dalka, Islamarkaane ay ka fogaadaan waxyaabaha niyad jabka u keeni kara shacabka.

“Soomaaliya waxaa laga sheegaa wax [negative] ah, dowlad musuqmaasuq ah ayaa na lagu sheegaa, maxaa noo diiday inaan ku faano waxa keliya ee aan haysano oo ah kheyraadka.? adduunku inuu inoo soo dhowaado ayaan rabnaa” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa batay hadal heynta hadalka MD Farmaajo, iyadoo maanta ay warbaahinta dalka intooda badan isweydiinayeen waxa uu madaxweynaha ka rabo saxaafadda, Xilli la sheegay in saxaafadda intooda badan ay afka u buuxiso dawladda Farmaajo.

“Dowladda N&N waxeey kaga duwan tahay dowladihii hore, waxeey ku guuleystay hay’ad kasta oo warbaahineed & qof kasta oo baraha bulshada [social media] 50 qofood wax u sheegi kara in ay afka u buuxiso, ayna ka siiso mushaar joogta ah, waxaa jira hay’ado warbaahineed & suxufiyiin diiday laaluusha hasse ahaatee aan ku dhici karin in ay soo bandhigaan dhacdooyinka xaqiiqda ah ee dalka ka jira”. Sidaa waxaa yiri mid ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho oo ka gaabsaday magaciisa.

“Saxaafaddu shaqadeeda dhabta aha waxeey tahay in ay la xisaabtanto dowladda, albaabka ku garaacdo madaxda, wax walba oo oo balanqaad ah oo ay madaxdu sameeyeen la yiraa, maxaa qabsoomay.? in madaxda la hordhigo sababta ay ammaanka wax uga qaban la’yihiin, in la hubiyo wixii ka qabsoomay adeegyada caafimaadka, waxbarashada & dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha, saxaafadu waa buundadii isku xireysay dowladda & shacabka, haddii se madaxweynuhu doonayo in saxaafadda ay afka xirato ama ay heesto taas wax dhici kara ma ahan”

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments