Ciyaar u dhaxeeya Somalia & Eritrea oo 30-sano kadib ka dhacaya Muqdisho

Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in uu dalka Soomaaliya markii ugu horeysay marti galinayo ciyaar caalami ah oo ka dhaceyso magaalada Muqdisho, iyadoo ay ciyaartaasi ay wada dheeli noodaan Somaliya iyo Eritrea.

Kulankaan ayaa ka dhacay garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho, waxayne ciyaartaan noqoneysaa ciyartii ugu horeysay oo caalami ah ee mudo 30-sano ah ka dib ka dhacda Soomaaliya sida ay sheegay Xiiriirka Kubadda cagta dalka.

Cabdi Qani Saciid oo ah madaxweyne ku xigeenka Xiriirka kubadda cagta ee Barigga iyo Bartamaha Afrika ayaa sheegay in ay Muqtaqbalka rajeynayaan in ay dalka ku marti geliyaan ciyaaro caalami ah sida ee Bartamaha iyo Bariga Africa ee Cecafa.

“Mustaqbalka soo socda waxaan dalka ku casuumi doonaa tartanka bariga iyo bartamaha africa  ee Cecafa, Hadda waxaan heysanaa nabad taas oo dalka kusoo celisay inaan dhiirano, waxaan ku faaxsanahay, inaanu ugu dambeyn marki gelin doono ciyaaro caalami ah soddon sano kadib”ayuu yiri Mr Carab

Amniga yar ee hadda jirta ayuu sheegay inay suuro galisay in 16 Bishaan ay magaalada Muqdisho ka dhacdo ciyaar u dhaxeysa xulalka da’da yar ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments