Kheyre oo hadallo dhiiri gelin ah ka jeediyay shir xalay ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ka qeyb galay Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

RW Kheyre oo ka hadlay shirkaan ayaa si weyn ula dardaarmay madaxda garsoorka kuna booriyay in ay si fufan u sii wadaan dadaalkooda, Wunuuxa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha Dalka, yaraynta musuq-maasuqa, horumarinta Dowlad wanaagga, hir-gelinta siyaasad lagu wada qanacsanyahay iyo aaminaadda Dunida ay ku xiranyihiin hir-gelinta Garsoor iyo caddaalad loo simanyahay oo Dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan.

Casho sharafta ay xalay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha Maxakamadda, Garsooyaasha gobalka Banaadir, xeer ilaaliyaha Qaranka iyo kuwa maamul gobaleedyada ayaa wuxuu ujeedka Kheyre ayaa dardaaran iyo dhiiri gellin dar dar gellinta hanaanka shaqo ee garsoorka dalka.

RW Xasan Cali Khayre, ayaa madaxda Garsoorka Dalka ku ammaanay shir sannadeedka ay qabteen, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay joogteeyaan kulamada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka Gasoorka wadanka.

Madaxwaynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa Shalay soo xiray shir Sannadeedkii ugu horreeyay ee burbrkii Dalka kadib looga arrinsado Garsoorka Soomaaliya.

Hoos ka arag sawirada shir sanadeedka garsoorka Soomaaliya

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments