Dabley hubeysan oo ruux shacab ah ku toogtay Muqdisho

War Goordhow ku soo dhacay war qabadka Shabakadda Soomaaliweyn ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay goordhow ruux shacab ahi ku toosteen Xaafadda Kaawo-Godeey ee degmada Dharkeynleey ee gobalka Banaadir.

Labo nin oo bostoolado ku hubeysnaa ayaa rasaas ku furay nika shacabka ahaa wuxuuna u dhintay rasaastii ay ku fureen ragaasi, iyadoo meesha laga qaaday meydkiisa.

Ruuxa ay dileen dableyda hubeysan ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Salaad waxuuna gaadiidka ka rari jiray isgoyska Kaawo-Godey sida ay goobjooge yaal xaqiijiyeen.

Ragii ka dambeeyay dilkaasi ayaa goobta isaga baxasaday sidii caadada aheydba kadib markii ay dileen ruuxaasi, waxaana durbo goobta gaaray ciidamada amaanka oo halkaasi ka sameeyay baadi goob ay ku raadinayeen ragii dilka fuliyay oo goobta ka cararay.

Ma jirto ilaa haatan cid og sababta loo dilay ruuxaas shacabka ah, iyadoo ay dadka deegaanka sheegeen in uu ruuxa la dilay ahaa nin gaadiidka rari jiray.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments