Ciidamada Puntland oo u dhaqaaqay amarkii madaxweyne Deni

Waraka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamadii dhawaan gaaray magaaladaasi ay bilaabeen fuinta amarkii uu siiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Ciidan boolis ah oo fara badan ayaa dhawaan gaaray magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay inay durba bilaabeen howlgal lagu xaqiijinayo amaanka magaalada, sida saraakiisha ay sheegeen.

Ciidamada ayaa heysta amar labo maalin ka hor kasoo baxay madaxweynaha Puntland, kaasi oo ahaa inay wax badan ka badalaan hanaanka sugidda amaanka magaalada Boosaaso oo dhawaan dil uu ka dhacay.

Toddobaadkan ayaa waxaa  magaalada Boosaaso gaar ahaan dekadda magaalada agu dilay madaxii shirkadda P&O ee maamusha dekedda magaalada Boosaaso, waxaana dilkaasi sheegtay Al-Shabab.

Jeneral Axmed Muuse, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay magaalada Boosaaso ay fulinayaan amarka madaxweyne Deni, islamarkaana ay sugi doonaan amniga.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa isagaba ku wajahan magaalada Boosaaso, waxaana muuqata in howlgalada ay yihiin kuwo labo ujeedo laga leeyahay, waxaana wali socda baaritaanka dilkii ruuxii ajnabiga ahaa ee Boosaaso lagu dilay.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments