Al-Shabaab oo markale dab qabadsiiyay gaadiid xamuul ah

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay kooxda Al-Shabaab shalay galab ilaa xalay ay duleedka degmadda Afgooye ee gobalkaasi ay ku gubeen ilaa Shan gaari oo xamuul ahaa, iyadoo ay dadka deegaanka ku warameen in ay arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gubaya gaadiidkaasi.

Falkan ayaa ka dhacay degaanka Doonka oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye, waxaana la sheegay in gaadiidkaan ay sideen dhuxul, isla markaana ay joojiyeen Ciidamo ka tirsan Shabaab ka dibna ay dab qabad siiyeen.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa xaqiijiyay in gaadiidkan la gubay qaarkood xalay kuwana shalay galinkii dambe.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab ay ku gubeen isla duleedka Afgooye 7-gaari oo xamuul ahaa oo la sheegay inay waddeen dhuxul, lamana oga illaa hadda sababta ay kooxdan u beegsaneyso gaadiidkan dhuxusha sida, mana jiro illaa hadda war ay ka soo saareen ujeedkka ay gubaan gawaarida.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
[email protected]

Facebook Comments