Mahdi Maxmaed oo u safray London & Qorshaha rasmiga ah ee socdaalkiisa

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta u safray magaalada London ee caasimadda wadanka Ingiriiska, oo ka mid ah dalalka uu xiriirka qotada dheer kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Qorshaha uu RW Ku-xigeenka dalka ku tagayo ayaa wuxuu yahay sidii uga qeyb gali lahaa kulamo looga hadlayo adkeynta xiriirka Soomaaliya iyo Britian oo ka dhacayo magaalada London, sida ay dawladu sheegatay.

Dirista Mahdi Maxamed ayaa ku soo beegmeyso iyadoo uu maanta si rasmi ah magaalada London uga furmayo shirka shidaalka Soomaaliya, islamarkaane ay muuqato in qorshe arinka ay dawladu sheegaty ka weyn loo diray RW Ku-xigeenka.

Xog ay heshay Soomaaliweyn ayaa lagu ogaaday in qorshaha rasmiga ah ee loo diray Mahdi Maxamed Guuleed ay tahay sidii uu ula kulmi lahaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, kuwaa oo intooda badan ka soo horjeedo shirka maanta ka furmaya London.

Dawlada Soomaaliya ayaa dooneyso in ay baajiso banaanbaxyo la filayo in ay maanta ka dhacaan magaalada London kuwaa oo looga soo horjeedo Shirka Xaraaska Shidaalka Soomaaliya, iyadoona ay dowladu wado dadaalo ay ku xalineyso dhibaatadaasi.

Shirka maanta lagu wado in uu ka furmo magaalada London ee wadanka UK ayaa wuxuu saameyn badan ku sheeshay inta badan Soomaalida ku nool daafaha dunida iyadoona ay inta badan ka soo horjeeday shirkaasi, madaama looga sheekeeyay in shirkaasi lagu xaraashayo shidaalka dalkooda.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments