Madaxweyne Farmaajo oo war cad ka soo saaray shirka shidaalka ee London

Madaxweynaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu dambeyn ka hadlay Shirka Shidaalka Soomaaliya ee ka dhacaya wadanka Britian, Xilli ay badatay hadla heynta iyo kala fikir duwanaashaha ka dhashay shirkaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shirkaas uu daba-socdo Shir kale oo ka horeeyay oo lagu qabtay dalkaasi, islamarkaana lagu soo bandhigay Cilmi baaris lagu sameeyay Shdiaalka Soomaaliya Xiligii Dowladdii Xasan Sheekh Maxmuud.

Wuxuuna Sheegay madaxweynaha Soomaaliya in shirkaas lagu soo bandhigayo warbixin ku aadan shidaalka Soomaaliya, Islamar ahaantaane aysan jirin wax la iibinayo, Sida wararka sheegaya in la xaraashayo shidaalka Soomaaliya, Isanoo sheegay in ay warkaasi baahiyeen Mucaaradkiisa uuna aheyn mid xaqiiqda ku saleysan.

“Ma jirto shidaal la iibinayo iyo wax la xaraashayo, Shirkaas waxa uu daba joogaa shir kan ka horeeyay oo lagu soo bandhigayo daraasad laga sameeyay Shidaalka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynahe Farmaajo.

Sidoo kale madaweynaha Soomaaliya ayaa marqure weeraray warbaahinta Soomaalida iyo kuwa kale ee caalamka uuna shaagay in ay wararka been abuuradka ah u beeniyaan dano gaar ah.

“Warbaahinta dunida ayaa buun-buunisay warka shidaalka ku saabsan, waxaa lagu leeyahay deeyn, qaarkood Ceymis ayey ku jiraan, si ay u helaan lacag iyo dhageestiyaal oo warkooda u gadmo ayey been ka sheegayn shirkaas” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments