Kumandosta Somalia & ciidamo Mareykankan ah oo howlgal ka filiyay Bariire

Waraka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ay ciidamada Kimaandoosta Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo Mareykan ah ay howlgal kor iyo hoos ah ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobalkaasi.

Howlgalka laga fuliyay Bariire ayaa ahaa mid isugu jiray duqeyn cirka ah iyo weerar dhulka waxaana howlgalka ka qeyb qaatay ciidamo gaar ah oo duyuurado ka daatay kaga howlgalay dhulka.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaan xalay dhacay lagu dilay dagaalyahano ka tirsan ururka AL-Shabaab, sidoo kalane lagu burburiyay xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gudaha Bariire.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in weerar xalay lagu qaaday deegaanka Bariire uu isugu jiray duqeyn dhinaca cirka ah iyo howlgal dhulka ah, waxa uuna sheegay in dagaalyahano badan lagu dilay howlgalkaasi halka kuwa noolna gacanta lagu soo dhigay.

Dhanka Kale kooxda Al-Shabaab weli kameysan hadlin weerarkaan xalay lagu qaaday deegaanka Bariire ee gacanta ugu jiray waxaana sidaan oo kale marar badan weerarka oo kale loogu qaaday deegaankan.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments