Imaaraadka oo eedeyn kala kulmay hey’adda Amnesty International

Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa eedeyn xoogan kala kulantay Hey’adda Xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, iyadoona ku eedeysay in uu hub dhibaatooin geysta siiyay maleeshiyaad.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay in hub iyo gaadiid gaashaaman  uu horayba uga imaaday dalka Mareykanka, kaa oo ay heysteen ciidamada Imaaaraadka ee ku sugan Yemen ay siiyeen maleeshiyaad hubeysan ee ka dagaalama gudaha wadanka Yemen.

Warbixin ka soo baxday xafiiska hey’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in ciidamada Imaaraadka gaar ahaan kuwa ka jooga Yemen ay gaadiid gaashaaman, hub isugu jiro madaafiic iyo hub kale ay siiyeen maleeshiyo beeleedyo hubeysay oo ka degaalama gudaha wadankaasi.

Dowlada Isu Tagga  Imaaraadka ayaan weli war rasmi ah ka soo sarin eedaan uga timid Ha’yadda Amnesty International , waxa ayna dowlada Imaraadka kaliya beenisay in ay jebisay xeerka hubka uu kasoo dhoofsado Mareykanka.

Sargaal ka tirsan dawlada Mareykanka ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano la xiriira halka ay imaaraadku ka heleen Mareykanka kuna wareejiyeen maleeshiyaadka hubeysan ee ku dagaalamaya qeybo ka mid ah wadanka Yemen.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments