Cabdi Illey oo markii ugu horeysay ka waramay maxkamadeynta & xarigiisa

Madaxweynihii Hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa markuu ugu horeysan ka hadlay xarigiisa, Xilli marar badan lasoo taagay maxkamad.

Cabdi Illey ayaa sheegay in shalay la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo ah maxkamad federaal ah waxaana mar kale lagu soo oogay falal dembiyeedyo la xiriira in uu ku lug lahaa dagaal beeleedyo ka dhacay Kiliga shanaad.

Mar uu Garsooraha Maxkamadda wax ka weydiiyey Cabdi Maxamuud Cumar inuu fahamsan yahay Dacwadaha loo haysto, waxa uu si kooban u sheegay inuu fahamsan yahay, isla markaana ay yihiin Eedeymo la soo dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin.

Dacwadaha Cabdi Maxamuud Cumar waxaa kaloo kula eedeysnaa 47 xubnood oo ka tirsanaa Maamulkiisa, balse 6 ka mid ah ayaa loo qabtay Kiiskaasi, halka inta kalena ay ka cararay dalka Ethiopia.

Xubnaha shalay dacwadda ku wehliyey Madaxweynihii hore ee Maamulka Soomaalida Ethiopia waxaa ka mid ahaa Madixii  Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee Maamulkiisa, Raxma Maxamed Haybe, Madixii  hore ee Xafiiska Arrimaha Qurbo-joogta, C/risaaq Sehane Cilmi,  Taliyihii hore ee Boliska ee Maamulkii hore, Farxaan Daahir iyo  labo xubnood oo kale oo lagu kala magacaabo Warsame Cabdi iyo Guuleed Cabdi.

Dhegeysiga Dacwada shalay ayaa ahayd markii 4-aad ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale la soo golo-joojiyo Maxkamadda, waxayna Maxkamadda Federalka Ethiopia sheegtay in  dhegeysiga Kiisaska loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale dib u dhigtay ilaa 27-ka bishan.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments