Xasan Sheekh Maxamud oo hoygiisa ku booqday Ugaas Xasan (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxmuud oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan ayaa saakay wuxuu saakay hoygiisa ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaas Xasan ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyay Xasan Sheekh Maxmuud iyo waftiga booqashada ku wehliyay, isagoona sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu hoygiisa ku soo booqdo madaxweynihii hore ee dalka.

C/risaaq Cumar oo ah wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Booqashada ku wehlinayay Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay booqashada maanta ay ugu tageen Ugaaska ay tahay Hordhac oo kaliye, ayne jiraan kulamo kale oo dhexmari doono Ugaas Xasan iyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxmuud.

Xasan Sheekh Maxmuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya haatane ah hogaamiyaha Xisbiga UPD oo ka mid ah xisbiyadda u loolamaya hogaanka wadanka ayaa shalay booqday magaalada Beledweyne isagoona kulamo la yeelanayo mas’uuliyiinta gobalka.

Hoos ka arag sawirada kulanka Ugaas Xasan iyo Xasan Sheekh

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments