Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la yeeshay madaxweyne Lafta Gareen

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kulan la yeeshay Wasiir hore uga tirsanaa Xukuumadiisa balse hada noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Madaxweynaha goordhow loo doortay maamulka Koonfur Gabeed Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulamo gaar ah la qaatay Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka taageeray doorashadii uu ku guuleestay.

Kulanka RW Kheyre iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay arimo dhoor ah oo ay kamid yihiin  sidii ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen maamulka iyo Dowlada Federaalka.

Dawlada Soomaaliya ayaa la sheegay in taageero dhinacyo badan ah ku bixisay sidii Cabdicasiis Lafta Gareen oo katirsanaa Wasiirada Kheyre uu u noqon lahaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ugu dambeyne ay u rumowday riyadeedii dadaal badan kadib.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments