Hey’adda Socdaalka oo war cusub ka soo saartay daabicista Baasboorka Somalia

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay daabicista baasboorka Soomaaliya, oo tan iyo dabayaqadii sanadkii tegay uu hakad ku jiray, iyadoona dib loo bilaabay daabicista baasboorka.

Hey’adda Soomaaliya u qaabilsan daabicista Baasboorka dalka oo ay ka arimiyaan dad Masaari ah ayaa la sheegay in ay daabicista Baasboorka Soomaaliga bilaabeen bilawgii todobaadkan sii dhamaanaya, islamarkaane ay haatan heli karaan dadka u baahan.

Baasboorka Soomaaliga ah ayaa mudadaa u xayirnaa caqabad ah in ay dhamaatay mudadii shanta sano aheyd ee ay dawladii Xasan Sheekh iyo SHirkadda Daabicista ay kala saxiixdeen, sidaasi awgeedne ay u hakisan daabicista ilaa qandaraas kale lagala heshiiyo.

Balse Xukuumadda dalka ayaa dooneysay in ay qandaraaska ka wareejiso shirkadaan oo ay raadsato shirkad kale, sidaasi awgeedne ay si ku meel gaar ah mudo hal sano ah kula heshiiso shirkadan iyadoona ay shirkadda Daabicista baasboorka ay ka biyo diiday arinkaa.

Lama oga qaabka loo xaliyay khilaafkaasi balse waxaa haatan si toos ah u bilawday daabicista baasboorka Soomaaliya, oo muddo hakad kalay, iyadoona uu arinkani ka farxiyay umadii u xayirnay adeegaan.

Intii ay adkeyd helista baasboorka Soomaaliga ah ayaa waxaa u luggo’ay dad badan oo islkugu jiray; Arday, Ganacsato, iyo dad kale oo xanuunsan oo caafimaad deg deg ah uga baahnaa dalka dibediisa, kuwaa oo u xayirnaa baasboorka.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments