Ciidamo cusub oo la wareegayo amaanka Garbahaareey (Arag sawirro)

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo loogu soo xiray tababar casri, waxaana ciidamadaan loo diyaarinayaa sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga magaalada.

Jeneraal Bashiir Maxamed Cabdi (Ameerica), Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu tababar u soo xirmay 300-askari oo ka mid noqonaya Booliska Soomaaliya, Wuxuuna sheegay in ay ciidamadaan ka howlgali doonaan magaalada Garbahaareey iyo magaalooyinka kale ee gobalka Gedo.

Ciidamadaan ayaa la soo siiyay tababar bilo socday oo lagu barayay xirfado heer sare ah waxayne la wareegayaan amniga magaalada Garbahaareey, oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamo militeri ah.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka hor hadlay ciidamadaan ayaa u sheegay in ay ka soo baxaan waajibka saaran ayne dooraan sharafta booliska, sidaasi si lamid ahne u balan qaaday in ay dhowri doonaan xuquuqdoona.

Hoos ka arag Sawirada

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments