Antonio Gutteres oo war cusub ka soo saaray cidii bedeli laheyd HAYSOM

Qaramada Midoobay ayaa weli ku howlaneyd sidii ay safiir kale ugu soo magacaabi laheyd Soomaaliya, Tan iyo markii ay dawladda Soomaaliya ceyrisay denjirihii cusbaa ee Nicholas Haysom.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Gutteres ayaa war cusub ka soo saaray magacaabista safiirkii lagu bedeli lahaa Haysom oo ay Soomaaliya ceyrisay, Wuxuuna Gutteres  sheegay in uu tegayo magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir looga hadlayo arimaha Africa oo halkaasi lagu wado in uu ka dhaco.

Wuxuuna Xoghayaha Qaramada Midoobay dawlada Soomaaliya ku amaanay hormarka ay sameysay isagoona sheegay in loo baahan yahay in caalamka intiisa kale ay la shaqeeyaan xukuumadda.

Gutteres ayaa sheegay in uu sidoo kale sheegay in goordhow ay soo magacaabi doonaan denjirihii bdeli lahaa Haysom, ayne socdaan wada tashiyo lala sameynayo, islamarkaane mar aan dheereyn la soo shaacindoona.

Xiriirka Dawlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobaya ayaa haatan u muuqda mid mugdidii madaxa kala soo baxaya, kadib markii uu horaantii sanadkaan khilaaf soo kala dhexgalay labada dhinac, kaa oo salka ku hayay go’aankii ay Dawlada Federaalka dalka kaga ceyrisay wakiilkii qaramada Midoobay.

Nicholas Haysom ayaa wuxuu bedelay wakiilkii hore ee QM u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya Micheal Keating oo uu waqtigiisu dhamaaday dabayaaqadii sanadkii tegay, waxaana lagu bedelay Haysom oo isagane mudo kooban ka dib laga ceysiyay guud ahaan Soomaaliya.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments