Dawlada Malta oo walaac ka muujiyay dilka Paul Anthony Formosa

Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Dhaqaalaha wadanka Malta, Carmelo Abela ayaa walaac ka muujiyay dilka magaalada Boosaaso llgu geystay Paul Anthony Formosa oo ka soo jeedo wadankaasi.

Carmelo Abela ayaa qoraal oo soo dhigay bartiisa Twetter-ka wuxuu walaac kaga muujiyay dilka loo geystay agaasimihii shirkadda DP World ee Puntland oo saakay lagu dilay magaalada Boosaaso.

Qoraalka Wasiirka Arimaha Dibedda Malta

“Waxaan aad uga naxay dilka Paul Anthony Formosa, oo ahaa agaasimihii Shirkadda DP World ee Imaaraadka u qaabilsanaa howlaha maamulka Puntland ee Soomaaliya, Dhibaatdeyna ugu weyn waaye, waxan u tacsiyeyneyna ehelkiisa”. Ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Arimaha Dibeda wadanka Malta.

Paul anthony Fermosa, oo ay ugu dambeyn dilkiisa sheegteen Al-Shabaab ayaa ahaa madaxii guud ee shirkadda DP World uga wakiil ahaa dekadda magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments