Qatar oo markii ugu horeysay taariishda u dabaaldegtay ASIAN CUP

Dalka Qatar ayaa markii ugu horreysay tariikhdooda ku guuleystay Asian Cup 2019 kaddib markii ay 3-1 ku garaaceen xulka Jaban.

Akram Cafiif oo ah wiilka Soomaaliyeed ee wacdarada ka dhigay koobkan ayaa kulankan shaqo fiican ka qabtay kaasoo u sahlay in xulka Qaranka Qatar uu ku guuleysysto koobka Asian Cup, kadib markii uu dhaliyay gool, isla markaana uu caawiyay 2 gool kale.

Goolasha wiilasha Qatar ayaa waxaa u kala dhaliyay Almoez Ali, Abdulaziz Hatem iyo Akram Cafiif daqiiqadihii (12, 27 iyo 83) sida ay u kala horeeyaam.

Dhanka kale xulka qaranka Jaban ayaa leheed gool qura kaa oo uu u dhaliyay daqiiqadii 69-aad cayaaryahan Takumi Minamino.

Hadaba Dalka Qatar oo markii ugu horeesay tariikhdooda ku guuleystay Asian Cup ayaa ugu dambeyn u dabaal dagay koobkii la gudoonsiiyay.

Hoos ka arag sawirada dabaal degga Qatar

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments