Maxa madaxweyne Deni ka hortaagan magacaabista golahiisa wasiirada?

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa islamarkiiba wuxuu culeys ka soo wajahay magacaabista golahiisa wasiiradda, isagoona la wareersan  culuskaan ka soo wajahay dhanka xulista Golaha.

Deni ayaa waxa uu culeykan u yimaaday ka dib markii ay odayaasha dhaqanka Puntland sheegeen in ay dooyaan in ay door weyn ku yeeshaan xulista golaha wasiiradda, taasi oo noqotay caqabada ka hor istaagtay madaxweyne Deni in uu magacaabo golaha wasiiradda.

Odayaasha dhaqanka ayaa rabo in ay golaha wasiiradda u soo xulaan wasiiro ay isfahansanyihiin taane waa sababta ay Deni waqtiga dheer ugu qaadaneyso magacaabsita golaha wasiiradda, waxaana haatan Garowe ka jira caqabadan dhextaalla Madaxweynaha Puntland iyo Odayaasha dhaqanka.

Dhanka kale wax-garadka ku dhaqan Garowe ayaa Soomaaliweyn iyo sheegay in ay xalay kulamo ka dhaceen madaxtooyadda Punland ay u ekaayeen kuwa tanaasul badani ka dhacay lana filayo in uu jiro is afgarad ka dhashay kulankaasi.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxa weli u harsan jaanis uu kaga soo fakari karo cidii uu magacaabi lahaa liiska gilaha wasiiradda, iyadoo ay jira qaar ka mid ah wasiiradii la soo shaqeeyay Gaas oo doonaya in ay markale liiska galaan.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments