Mareykanka oo Al-Shabaab ku laayay meel u dhow Beledweyne

Taliska Ciidmada Mareykanka ee ka howlgala Africa ayaa shaaciyay in uu dgaaalyahanadii ugu badnaa ee uu kooxda Al-Shabaab hal mel kaga dillo uu duqeyn uga dilay deegaan ku dhow magaalada Beledweyne.

War ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Shabeeley lagu dilay dagaalyahanadii ugu badnaa ee Kooxda Al-Shabaab looga dillo deegaanada Gobalka Hiiraan.

Warbixinta Taliska ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 30-askari oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab looga dilay duqeyn ay duyuuradaha Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Shabeelow ee ku dhow magaalada Beledweyne, waxuuna taliska inta ku daray in dhamaan dagaalyahanada uu dilay ay tabar ku jireen.

“Dowladda Mareykanka  waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska AFRICOM.

Weeraradaan dhinaca cirka ah ee lala eeganayo kooxda Al-Shabaab ayaa sii badaneyso iyadoona uu Mareykanku sheegay in uu sii wadayo duqeynaha uu la beegsanayo dagaalyahada Al-shabaab, Wuxuuna duqeymo badan ka geystay gobalada Jubooyinka iyo Gobalada Dhexe ee Soomaaliya kuwaa oo ku laayay askar badan oo ka tirsaneyd kooxda.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments