Kenyatta oo magaalada Asmara u tagaya arinta Al-Shabaab awgeed

Madaxweynaha Wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago magaalada Asmara ee dalka Eritrea, Isagoo kulan la yeelanaya Madaxweyne Isaias Afwerki, iyagoo la filayo in ay ka wada hadli doonaan arinta la xiriirta Al-Shabaab.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa shaacisay in Kenyatta uu dalka Eritrea u tagi doono arrimo ay kamid yihiin eedeymaha dowladaasi loo jeediyo ee ku aadan inay taageerto ururka Al shabaab oo dagaal kula  jiro Soomaaliya.

Sanadkii 2011 waxaa dhulka ay maamulaan Al shabaab ku dagay labo diyaaradood oo loo heystay inay ka yimaadeen Asmara kuwaasi oo waday hub, walow dowladda Eritrea ay arimahaasi beenisay.

Kenya ayaa u aragta Eritrea inay muhiim u tahay Al shabaab, islamarkaana waxaa Kenyatta uu doonayaa inuu isaga oo adeegsanaya diblumaasiyadda ka joojiyo Eritrea taageerada lagu tuhmayo inay siiso Al-shabaab.

Uhurru Kenyatta ayaa marar badan sheegay in dowladda Eritrea ay muddo dheer kamid aheyd dalalka dhibaatada ku ah amaanka bariga Qaarada Africa.

Dowladda Eritrea ayaa marar iska fogeysay eedeyn kaga imaaneysay kooxda dabaqalka cunaqateynta dalalka Somalia iyo Eritrea oo aheyd inay taageerto Al shabaab.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments