Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxii Muqdisho +Sawirro

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay kaalin shidaal oo ku taala aagga dambe ee wasaaradda Batroolka oo ku taala agagaarka Daljirka Dahsoon.

Qaraxa ayaa ka dhex dhacay Kaalin shidaal oo ku taala agagaarka Hotelka Naasa Hablood, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa gaari la dhex galiyay kaalinta Shidaal.

Inta la xaqiijiyay seddex ruux ayaa waxyeelo kala duwan ay kasoo gaartay qaraxa, kuwaasi oo ku sugan kaalinta shidaal ee ku taala agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Halka uu qaraxa ka dhacay oo aheyd Kaalin Shidaal ayaa dab xoogan uu qabsaday, waxaana goobtaasi gaari gaadiidka dab damiska oo isku dayaya in ay damiyaan dabka uu sababay qaraxa ee qabsaday kaalinta Shidaalka.

Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa gabi ahaan xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana goobtaasi wali kusii qul qulaya gaadiidka gurmadka deg dega oo goobta ka qaadaya dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxa.

  • La soco wixii soo kordha!

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments