Madaxda DF Somalia & kuwa maamul gobaleedyada oo kulan yeelanaya

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay shirar magaalada Garowe uga socday madaxweynaha dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Siciid Deni oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay inuu maanta kulan dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira, isla markaana madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyey in bisha Maarso bartamaheeda shir la isugu yimaado, kana codsaday Puntland inay shirkaasi marti geliso.

Waxaa uu sheegay inay Puntland aqbashay inay marti geliso shirkaasi si xal loogu helo khilaafaadka jira, kuna faraxsan yahay in Puntland kaalinteeda ka qaadaneyso midnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Maamul gobaleedyada qaarkood iyo dawlada federaalka ayaa waxaa mudoyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhaxeeyay khilaaf ba’an iyo in uu xumaado xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyey, waxaana khilaafkan uu salka ku hayaa tabashooyin ay qabaan madaxda dowlad goboleedyada qaarkood, iyagoona sheegtay in aysan DF siinin waxii ay mudnaayeen.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments