Al-Shabaab oo soo bandhigay gadiid gaashaan oo ay ka qabsadeen CXD +Sawirro

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay gadiid dagaal oo ah nuuca gaashamaan ee ay lahaayeen Ciidamada Dawlada Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay ka qabsadeen ciidanka xooga dalka.

Ururka Al-Shabaab ayaan sheegin xiligga ay gaarigaan ka qafaasheen ciidmada dawlada gaar ahaan kuwa Militeriga.

Gaadiidka ay soo bandhigeen Al-Shabaab oo aysan sheegin waqrtiga ay qabsadeen ayaa waxa uu ka mid ahaa gadiid gashaan oo dawlada Somalia loo siiyay deeq ahaan.

Al shabaab ayaa sidoo kale sheegay in saanad cusub ay kala wareegeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya, waxaana arinta ay kusoo aaday iyadoo maalmo ka hor Qatar gaadiid dagaal ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale ee Dawlada Soomaaliya ma jirto cid wax jawaab ah ka bixisay sheegashadaan iyo bandhigaan ay Al-Shabaab soo bandhigeen gadiid ay horay u lahaayeen ciidamada xooga dalka.
Soo bandhigga ay Al-Shabaab sameeyeen ayaa ku soo aadaya iyadoo ay labo todobaad ka hor daqlada Qatar ciidamada Militeriga ah ee Soomaaliya ugu deeqday ku dhawaad 70-gadiidka gashaaman ah.
Hos ka daawo sawiradda gaadiidka ay Al-Shabaab soo bandhigeen

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments