Puntland: “Ma aqbali doono in caleemo-saarka layskula soo qaato arimo siyaasadeed”

Maamulka Puntland oo ka cabsi qabay in ay siyaasiyiinta mucaaradka iyo Dawlada Federaalka isku weeraraan caleemosaarka madaxweyne Deni ayaa waxay soo saartay go’aan la xiriira arintaasi.

Puntland oo ‘maradeeda geedaha ka ilaashaneyso‘ ayaa soo saartay go’aan ku socda mas’uuliyiinta ka qeyb galaya xaflada caleemo saarka aan laga ogolaandoonin in leysla soo hadal qaado arimo ka baxsan danta leyskugu yimid.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka qeyb qaadanaya munaasabadda caleemo saarka, ayaa sheegay in uusan maamulkiisa aqbali doonin in xafladaasi laykula soo qaato oo looga hadlo arimo la xiriira siyaasad islamarkaane laga faa’ideysto ujeedooyin gaar ah.

Cabdi Xirsi Cali oo war baahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in guddiga qabanqaabadu in ay kala hadli doonaan martida qudbadaha ay jeedinayaan Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Deni.

Wasiir Qarjab ayaa sido kale cadeeyay in aysan Puntland wax ujeedo siyaasadeed ah aysan ka laheyn xafladani, balse ay dooneyso in ay muujiso in ay Puntland xushmad u heyso Mucaarad iyo Muxaafad labadaba, sidaa awgeedna aanan la aqbali doonin waxyaabo kale oo laga yaabo in ay dadka qaarkood maanka ku hayeen in ay ka dhacaan munaasabadaasi.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaraya waxbadan oo ay ku riyoonayeen dadka qaarkood, sida in ay xaflada caleemo saarka ee Dani ay tahay fursad ay isku arki karaan madaxda dalka iyo xubnaha mucaaradka taasi, aragti kuma ekee ay halka wada hadal ka bilabay, taasi waxaa mala waa ka dhigay hadalka ka soo yeeray Puntland ka hor intaanan lays arkin.

Maamulka Puntland ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee is tusa Madaxda dalka iyo xubnaha khilaafsan ee mucaaradka, islamar ahaantaasine ku wada casuuma hal madal, iyadoona uusan wax walaac ah ka qabin.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments