Madaxda DF Somalia iyo Mucaaradka oo maanta wada tagaya Garowe

Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Mucaardaka khilaafsan xukuumadda ayaa lagu wadaa in ay maanta ka wada degtaan magalada Garowe ee xarunta Puntlnad iyadoo la wada qabanqaabada xaflada taariikhiga ah ee caleemo saarka Madaxweyne cusub ee maamulkaasi mudane Saciid Cabdullahi Deni.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah dadka maanta tagaya Magaalada Garowe.

Wafdi kale oo uu horkacayo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa iyana ka soo ambaxaya magaalada Nairobi, iyagoo ku sii jeeda isla magaalada Garoowe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ku wajahan Garoowe, iyadoo xubno ka tirsan labada gole oo hordhac u ah safarkiisa ay shalay gaareen halkaas waxaana halkaasi ka socoto qabanqaabadda soo dhaweyntooda.

Madaxda maamul gobaleedyada qaarkood ayaa iyagane sidoo kale maanta tagaya Garoowe, waxaana dhamaan wufuudan ay ka qeyb galayaan xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni oo la filayo iney beri ka dhacdo halkaas,amaanka ayaana si weyn loo xoojiyey.

Amaanka Garowe ayaa maanta loo adkeeyay si aan caadi aheyn madaama ay magaalada la ceyr cereyso mas’uuliyiin kala duwan oo isgu jiro Madax hore iyo kuwa joogo, Madax gobaleedyo iyo mas’uuliyiin sar sare oo kale socda Dawlada Federaalka iyo Mucaaradka oo u soo wada xaadiray ka qeyb galka caleemo saarka madaxweyne Deni.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments