Qarax khasaare dhimasho geystay oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay labo shacab ah ayaa ku dhimatay halka uu qof kalane ku dhaawacmay ka dib markii uu qarax miino ah oo lagu aasay wadada dhinaceeda qabsaday.

Qaraxaan ayaa ka dhacay meel u dhow Isgoyska Carwo Itko ee magalada Muqdisho, wuxuuna ahaa mid miino ah oo lagu aasay wadada geeskeeda.

Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay goob ay ciidamada Booliska ku baaraan gawaarida oo ku taalla isgoyska Carwo Itko.

Goob joogayaal ayaa sheegay in markii qaraxa dhacayay ay goobtaasi ka maqnaayeen ciidamada booliiska Soomaaliya ee fariisinka ku leh isgoyska Carwo Itko.

Wararka ayaa sheegaya xilliga qaraxa uu dhacaayay in halkaasi ay mareysay gaari nooca gurmadka deg deg ah oo dad bukaan ah siday.

Saraakiisha ammaanka, ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cidda miinada halkaasi galisay ee qarxisay, waxaase meesha laga qaaday maydka labada ruux.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments